qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Agaasimihii Radio Muqdisho Weriye Cabdicasiis Afrika Oo Lagu Diley Qarax, Kaas Oo Loogu Xidhay Gaadhigiisa.
November 20, 2021 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Allaha U Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, Ayaa Lagu Diley Qarax Gaadhigiisa Loogu Xidhay, Kaas Oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Weriye Cabdicasiis Afrika Ayaa U Geeriyoodey Dhaawac Halis Ah Oo Ka Soo Gaadhey Qaraxa, Sida Ay Xaqiijiyeen Masuuliiyiin Ka Tirsan Dawladda Soomaaliya, Kuwaas Oo Xaqiijiyey Geeridiisa.

Cabdicasiis Afrika, Wuxuu Sidoo Kale Ahaa Soo Saarihii Barnaamijka Gun-Gaadh Ee Lagu Waraysan Jirey Dagaalamayaasha Al-Shabaab Ee Ay Dawladdu Gacanta Ku Soo Dhigto, Wuxuuna Bartilmaameed Weyn U Ahaa Ururka Al-Shabab.

Wararka Aanu Haatan Helayno Ayaa Waxa Kale Oo Ay Sheegayaan In Uu Dhaawac Yahay Agaasimihii Telefishanka Qaranka Ee Somaaliya, Weriye Sharmaarke Maxamed Warsame, Kaas Oo La Socdey Weriye Kale Oo Afrikaan Ah Markii Uu Qaruxu Dhacayey.

Wixii Soo Kordha Kala Socda Wararkeena Dambe.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News