qorilugudnews24.com
Dad Ku Dhintay Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Degmada Dilla Ee Gobolka Awdal.
January 9, 2022 - Written by qoriadmin

Dilla-(QorilugudNews24)-Laba Carruur Ah Oo Mataano Ah Ayaa Maanta Ku Dhintay Dab Qabsaday Hoygii Ay Ku Noolaayeen, Kaas Oo Ku Yaalla Degmada Dilla Ee Gobolkaasi Awdal, Gaar Ahaan Xaafada Laanta Hawada, Sida Lagu Baahiyay Bogga Ciidanka Dab-Damiska.
Ciidamada Dab Damiska ee gobolka Awdal ayaa u soo gurmaday Guriga Gubtay, iyagA oo dabkiina Bakhtiiyey, carruurta Meydkoodana ka soo saaray. Carruurta ayaa Guriga Dusha Lagaga Xidhay Sida Ay Ciidanka Dab-Damisku Sheegeen.

Carruurta ayaa ahaa Mataaano Hablo ah, ciidamada Dab-Damiska ayaana wada Baadhitaan lagu Ogaanayo Sababta Dabka Dhalisay.

“Carruurta ayaa ahaa Mataano da’adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo Meydkii ku wareejiyey Maamulka Degmada Dilla” ayaa lagu yidhi Warbixinta Ciidanka Dab-Damiska.

Ciidanka ayaa ugu dambayntii tacsi u diray Qosyka ay ka baxeen labada carRuurta Ahi.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News