qorilugudnews24.com
Somaliland Waxa Ka Jira Laba Sirdoon, Sirdoonkii Qaranku Waa Waraabe U Taag, Waxa Shaqeeya Oo Xoog Weyn Sirdoonka Leexsan, Waxa Aanu Hoos Tagaa Madaxtooyada
March 20, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Somaliland Waxa Ka Jira Laba Sirdoon, Sirdoonkii Qaranku Waa Waraabe U Taag, Waxa Shaqeeya Oo Xoog Weyn Sirdoonka Leexsan, Waxa Aanu Hoos Tagaa Madaxtooyada.

Waxa la qortay Ciyaal Xoog U Faro Badan Oo Hubna La Siiyey. Waxa U Kiraysan Guryo Ay Dadka Geystaan. Waa Aan Ka Xumahay In Saxafi Cabdisalaan Germany Xalay Gar-Darro Iyo Badheedh Gacan Ugu Qaadeen. Tiroba Hore Waxa U Jirey Dad Gacan Loo Qaaday Iyo Kuwo La Qafaashay Oo Guryo Lagu Soo Xidhay. Waxa Ka Mid Ah Cabdiraxmaan Maxamed, Aadan, Saalim Wayab Iyo Nuuradiin Abees.

Dadka in loo jaangooyo oo loo halbeego waxa ay ka hadlayaan baa loo soo tafo xaytey. Qofkii diidana dhebiga ayaa loo qorayaa. Sirdoonkan leexsan ee sirdoonkii qaranka sida jinka ugu dhex jira waxa la faraa sharafta Madaxweynaha ilaaliya. Dalka fawdo ayaa inamo yar-yar oo baastoolado loo soo dhiibay gelinayaan.

Keligii Taliyahu sidiisaba sharafta waa jacel yahay haddana haabkeeda ma hayo Illaahayna ma waafajiyo.

Sidii Roon Allahayoow.

W/Q: Abwaan Abdirahmaan Abees.

COMMENTS
Latest News