qorilugudnews24.com
Qisada: Heestii Maxbuuska Ahayd Ee Xorta Noqotay!!.
April 15, 2022 - Written by qoriadmin

Qisada: Heestii Maxbuuska Ahayd Ee Xorta Noqotay.


Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wakhtiga Oo Ku Beegnaa Hillaadii 1985-Kii Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay 15 Jir Jaad Wale Ka Ahaa Magaalada Hargeysa, Kaas Oo Ay Xilligaasi Dawladdii Kacaanku Ka Mamnuucday Dalka.

Maxaabiista Jeelka oo intooda badani arrimo siyaasaddeed ku xidhnaa ayaa ku soo dhaweeyey hees Uu fannaanku qaadi jirey isla markaana isaga Sannadka lagu xukumay Uu curiyey kana baxay Maalmo ka hor.

Waxay noqotay heesta keliya ee ay Maxaabiis isku madaddaaliyaan, kuna luuqeeyaan iyada oo aanu jirin fannaan hore u qaaday oo ay ka daba jiibinayaan laxan uu sameeyey.

Markaasi 15 Jir la xidhay Hargeysa kula kulmay Sangub oo madax ka ahaa Kooxdii Waaberi ee caanka ku ahayd heesihii dhexe, Tijaabo ayaa laga qaaday si fanka loogu daro, balse kama mid noqon oo wuxuu xiiseynayey iibinta Jaadka iyo inuu qoyskiisa u raadiyo Masaariifka.

Abwaanka Oo maalmo ka hor ka baxay jeelka oo heesta u sameeyey gabadhiisa oo wakhtigaasi uu Aad u jeclaa kuna maqan qurbaha iyo midhaha uu huwiyey baahida caashaqa ee kala dheer ayaa dareen gaar ah ku abuurtay.

Maalmo markii ay maxaabiista is wada barteen waxaa uu noqday qofka keliya ee laga dhegeysan jirey Xabsiga marka uu heesta qaadayo, Hore fannaan uma noqon, masrax Aroos iyo mid gaar ahba kama heesin, balse marka qayilaada la iskugu yimaado ayuu fannaanniinta uu markaasi jaadka ka iibiyo u tumi jireen Kamanka.

Waayahaasi Jeelku waxaa uu dhaxalsiiyay inuu si fiican u xafido heesta abwaanku u tiriyay jaceylkiisa ka fog ee ka xidhan isla markaana aanu gaadhi karin.

Xasan Jaamac Qodax (Xasan Gacan) waxaa uu markii uu soo baxay bilaabay in uu heestaasi qaado, ma waydiisan Abwaankii heesta sameeyey oo wakhtiga uu Jeelka ku jirey ayuu Dhintay Cabdi Iidaan oo heesta u sameeyey Jaceylkiisa ka fog.

Heesta Marwo ee uu qaado Xasan Gacan halkaasi ayey kaga soo baxday jeelkii Maxaabiistu ku qaadi jireen isla markaana ay ku dhegeystaan mid Xor ah iyo mid Xidhaniba.

Xasan Gacan Noloshii inta ugu badan waxaa uu ku qaatay iibinta Jaadka Muddo dheer oo lagu qiyaaso soddon Sanno ahna waxaa uu ka mid ahaa bahda fannaaniinta Soomaaliyeed.

Hadda muddo sannado laga joogo ayuu iska daayey ka ganacsiga Jaadka waxaa uu ka mid yahay fannaaniinta dhexe kuwa loogu jecel yahay marka ay dhallinyaradan dambe la heesayaan.

Heesta uu curiyey Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waxaa ereyadeeda ka mid ahaa.

Arageena kala maqan

Muuqeena kala dheer

Maan keena wada jira

Isku muhashadeenee

Hadda mala dhabbey noqon

Ninka Faalka soo baxay

Milayga iyo dabeyshu

Fidno meerta weeyaan

Intuu marinku xidhanyahay

Musna Oodda laga gurin

Mar uun ila sug Caashaqa

Amba way igu maranyahee.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News