qorilugudnews24.com
Khilaafkan Aan Jirin Ee Beenta Ah Ee La Inooga Dhigayo In Uu Ka Dhex Qarxay Komishanka Doorashada Ayaan Ahayn Wax Iska Yimi Ee Waa Qorshe Ay Ka Wada Socdaan Komishanka Iyo Madaxwaynuhu.”
April 28, 2022 - Written by qoriadmin

OO MUXUU KU DIIDI WAABA DAHABE…..

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Ama rumayso ama ha rumaysan. Ama mucaaridku ha diidaan ama ha yeelaane saddexdii doorasho tii ugu dambaysey ee Muuse Biixi uu gacantiisa ku dilay waxay noqotay Doorashadii Madaxtooyada Ee U Muddaysnayd 13-Ka November.

Khilaafkan aan jirin ee beenta ah ee la inooga dhigayo in uu ka dhex qarxay Komishanka Doorashada ayaan ahayn wax iska yimi ee Waa qorshe ay ka wada socdaan Komishanka iyo Madaxweynuhu. Qorshuhu wuxu ahaa in Ciidda kadib ay dalka ka bilaabanto Diiwaan-gelintii Cod-bixiyuhu mana u muuqato ee ku darso Xisaabta. Ugu Yaraan Laba Bilood sheekadan khilaafka Komishanku way jiitami xalkuna ugu dambaysta cidda go’aanka kama dambaysta iska lihi waa Madaxwaynaha ama Maxkamad ha u gudbiyo ama Komishankaba ha kala diro ama ha isku soo celiyo. Markaa Mucaaridku haddii aanay lahayn “Plan B” kadib marka uu Muuse burburiyo xataa doorashadii keli ahayd ee qabsoomi karaysey sannadkan sawtii uu doonayey noqon mayso oo Kursiga ilaa inta uu doono iskaga fadhiyo maaha. Oo muxuu ku diidi waaba dahabe.

W/Q Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
Latest News