qorilugudnews24.com
Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Oo Gabadh Dhallinyaro Ah Ku Diley Magaalada Hargeysa.
May 3, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Qaranka Ee Somaliland Ayaa Toogasho Ku Diley Najma Cabdillaahi Maykal, Taas Oo Ka Tirsanayd Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Ee Somaliland.

Sida Ay Goob-Joogeyaal Warbaahinta U Sheegeen, Askariga Ayaa Gabadha Xabada Ku Furay Xilli Ay Maraysay Agagaarka Maxkamadda, Taas Oo Ay madaxtooyaduna Ka Ag Dhowdahay, Xilli Ay Booqanaysey Guriga Habaryarteed.

Haddaba Najma Abaheed Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Uu Askarigu U Hiilinayay Walaashii Oo Ay Najma Is Af-Dhaafeen, Sidaa Darteedana Uu U Diley “Walaashii AyEy Is Dileen Oo Uu U Aarayey, Hiil Ayuu Ahaa”.

Ciidamada Ayaa Isla Markiiba Gacanta Ku Soo Dhigay Askariga Dilka Geystey, Kaas Oo Isku Dayey In Uu Baxsado Kadib Markii Uu Gabadha Xabadda Ku Dhuftay.

Ciidanka Booliiska Ayaa Hadda Baadhaya Sababta Dhabta Ah Ee Dilka Dhalisay, Dhinaca Kalena Gabadha Dhimatay Abaheed Ayaa Codsaday In Askariga Dilka Geystey Cadaaladda La Mariyo.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News