qorilugudnews24.com
Guud Ahaan “Cult Of Personality” Ama “Weyneynta Shakhsiga.
May 4, 2022 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Guud ahaan “Cult of Personality” ama “Weyneynta Shakhsiga” waxa uu abuurmaa marka ay xukuumaddii dedaal iyo juhdi badan gelisto weyneynta hoggaamiyaha dalka. Waxa xukuumadahaas caado u ah  in ay sawiro hoggaamiyaha ah oo la qurxiyey lana weyneeyey ay meelo badan oo ishu qabanayso lagu dhigo ama lagu soo dhejiyo. Waxa kale oo weheliya in qaybo xukuumadda ka mid ah ammaanta iyo buunbuuninta hoggaamiyaha loo xil saaro. Waxa kale oo caado ah in marka uu hogaamiyuhu safro in xukuumaddu bannaan-baxyo Shacab Abaabusho.

Waa xirfado la yaqaan oo dadweynaha maskaxda lagaga qabsado (Social Engineering) waxaana had iyo goor xirfadahaa adeegsada hogaamiyayaasha keli taliska ah.

Ka dib markay xukuumadda JSL sawirka Madaxweyne Muuse Biixi ku dhejisey goob dabaal-deg diimeed ama Ciideed (Eid Religious Festival) ayey arrintaasi yaab iyo amankaag keentay. Waxay noqotay arrin xataa aan looga baran keli-talisyaddi ku caan baxay “Shakhsi Weyneynta” hogaamiyaha. Suxufi Saeed Ibrahim baa markaas si kaftan ah sawirkii Madaxweyne Muuse Biixi ku bedeley keligood taliyeyaal ku caan baxay “Weyneynta Shakhsiga” ama “Cult of Personality”isaga oo cabiraya dareenkiisa ah in aanay Arrintaasi ku haboonayn Madaxweynaha JSL oo laftiisu ka dhiidhiyey lana jahaaday xukuumaddii Jaalle Maxamad Siyaad Barre oo ku dhisnayd kali talis iyo ”Weyneynta Shakhsiga”.

Wa Billaahi Tawfiiq

W/Q Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Amb. Maxamuud Aadan Jaamac (Galaal)

COMMENTS
Latest News