qorilugudnews24.com
Khilaaf Ka Dhex Oogan Xukuumadda Dhexe Iyo Maayirka Magaalada Hargeysa.
May 5, 2022 - Written by qoriadmin

Fire sweeps northern Somalia market; 28 Injured

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge Ayaa Ku Dhawaaqay Guddi Gaar Ah Oo U Qaabilsan Dib U Dhiska Iyo Dayactirka Suuqa Ugu Weyn Hargeysa Oo Dab Xooggani Ka Kacay Bishii Hore.

Hadalkan Oo La Qoray 26 April Balse Xalay La Soo Bandhigay Ayaa Noqon Karaa Jawaab Deg Deg Ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Salaasadii Soo Saartay Liiska Magacyo Isku Mid Ah.

 

Labada dhinac ayaa ku andacoonaya in ay door ku leeyihiin dib u dhiska Suuqaas oo Dastuurku damaanad qaaday balse la isku khilaafay mid walba awood uu ku yeelan karo doorkiisa.
Maayarka iyo Kooxdiisu waxay xuseen inay kaalintooda ka qaataan hirgelinta Dhismaha Suuqaas iyadoo Dawladda Dhexe xaq u leedahay inay la socoto hawshaas.

Hadalladan is-diidan ayaa daaha ka rogay khilaaf daahsoon oo u dhexeeya dawladda dhexe iyo Maayarka Hargeysa. Ma cadda haddii Nidaamyada Garsoorku ay faragelin karaan Kiiska si ay u dejiyaan xiisadda oo ay diiradda saaraan dib u dhiska si loo dhammeeyo khilaafaad kale.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News