qorilugudnews24.com
War Deg Ah: Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Oo La Shaaciyey.
May 5, 2022 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Guddida Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Kulan Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho Ayaa U Muddeeyey In Doorashada Madaxweynaha Dalka La Qabto 15-ka Bishan May.

Mudddo Toban Cisho Ah Ayaa Ka Dhiman Waqtiga Loo Qabtay Doorashada Madaxweynaha, Si Looga Baxo Hubanti La’aanta Siyaasaddeed Ee Dalku Ku Soo Jirey15-kii Bilood Ee La Soo Dhaafay.

Shaacinta Jadwalka Doorashada Ayaa Soo Baxday Waxyar Kadib Markii Guddida Doorashadu Uu Yeeshay Hoggaan Rasmi Ah, Kadib Doorasho Tartan Adag Loo Galay Oo Lagu Doortay Guddoomiyaha Iyo Ku-Xigeenka Guddida Doorashada.

Sida La Filayo In Ka Badan 20 Musharax Oo Uu Ku Jiro Madaxweynaha Uu Waqtigu Ka Dhammaaday Ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Ayaa Isu Soo Sharixi Doono Xilka Jagada Madaxweynenim Ee Dawladda federalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News