qorilugudnews24.com
Dalku Wuxuu Qaaday Jidkii Keligii-Talisnimada, ”Musharax Cabdiraxmaan Cirro”.
May 11, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Musharaxa Jagada Madaxweynenimo Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Ayaa Madaxweynaha Somaliland Ku Eedeeyey In Aanu Diyaar U Ahayn In Uu Qabto Doorashooyinka Mudaysan Dabayaaqada Sannadkan Aynu Ku Jiro.

Musharax Cirro Ayaa Sheegay In Khudbad-Sannadeedkii Uu Madaxweyne Biixi Shalay U Jeediyay Labada Gole Baarlamaan Aanay Muujinayn In Madaxweynuhu Uu Diyaar U Yahay Qabashada Doorashooyinka Sannadkan Mudaysan Ee Madaxtooyada.

Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Ay Somaliland Qaaday Jidkii Digtaatooriyadda Iyo Kelidii-Talisnimada, Waxaanu Taageerayaasha Xisbiga Waddani Ugu Baaqay In Ay U Diyaar Garoobaan Tallaabooyin Uu Sheegay In Dib Loogu Soo Celinayo Dimuquraadiyadii Somaliland.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News