qorilugudnews24.com
Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bilowday Dacaayado Raqiis Ah Oo Ka Dhan Ah Guddoomaha Komishanka Doorashooshinka Somaliland Eng. Cabdirashiid Riyo-Raac Iyo Ujeedada Dhabta Ah Ee Ka Dambaysa.
May 14, 2022 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Ayaa Bilowday Dacaayado Raqiis Ah Oo Ka Dhan Ah Guddoomaha Komishanka Doorashooshinka Ee Somaliland Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-Raac), Arrintaas Oo Salka Ku Haysa Ujeedooyin Guracan Oo Beelaysan, Waxaana Muuqata In Waxa Loo Socdaa Tahay Laba Ujeedo Oo Keliya, Kuwaas Oo Kala Ah:
1. In Marka Hore La Istusay In Xilka Guddoomiye Cabdirashiid Riyo-Raac Uu Yahay Xilka Keliya Ee Ka Maqan Beesha Madaxweyne Muuse Biix, Kadib Markii Ay Hore U Wada Qaateen Dhammaan Xilalkii Kale Ee Muhiimka Ahaa Iyo Hadafka Labaad Oo Ah, In Laga Dhigto Jaran-Jaro Lagu Abuuri Karo Muran Siyaasaddeed Oo Laga Dhex Abuuro Guddida Komishanka Doorashooyinka Ee Somaliland Maadaama Uu Muddo-Xileedkii Madaxweynu Gabagebo Yahay, Kaas Oo Ay Ujeedadiisu Tahay In Lagu Cimri Dheeraysto Iyo In Food-Saaro Looga Dhigto Muddo Kordhin, Taas Oo Beryahaaba La Hadal Hayey Iyo Arrimo Kale Oo Huursan, Kuwaas Oo Aan Weli Daboolka Laga Qaadin.

Laakiin Waxa Aynu Sugnaaba Waa Qaraxa Iyo Dil-Dilaaca Siyaasaddeed Ee Arrintaasi Ka Dhasha, Ama Habro Hala Soo Adeegsado Ama Dad Nolasha Ka Dhacay Iyo Cayayaan, Caanaha Laga Lushana Cidna Yaan Waxba Laga Siin.

Wa Billaahay Towfiiq.
Cabdalla Cali Geylan.
Abdgelan2@gmail-com

COMMENTS
Latest News