qorilugudnews24.com
Madaxweyne Biixi Da’da Uu Maanta Joogo Iyo Quruxda Muddo Xileedkiisa Gebogebada Ahba Waxa Ay Sharafi Ugu Jirtaa Doorashada Oo Uu Waqtigeeda Ku Qabto, ”Xoghayaha Waddani”
May 23, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madaxweyne Biixi Da’da Uu Maanta Joogo Iyo Quruxda Muddo Xileedkiisa Gebogebada Ahba Waxa Ay Sharafi Ugu Jirtaa Doorashada Oo Uu Waqtigeeda Ku Qabto Iyo In Ou Odaynimo Iyo Waayeelnimo Ku Dhammeeyo Wixii La Isku Khilaafsan Yahay.

Si Aynu U Noqonno Somaliland Isku Duuban, Oo Ay Degenaanshiyo Siyaasi Ahi Ka Jiro, Dunida La Garnaqsata, Geeddiga Horumarka Iyo Dhismaha Qarankuna Ka Sii Tisqaado.
Waxase Barbar Yaalla, Jidka Ay Cid Kasta Oo Somaliland Jeceli Kaaga Digayso Oo Ah, Somaliland Muranno Siyaasaddeed Lugaha La Gasha, Dib U Dhac Doorasho, Dunida Aynu Danaha Qaran Ka Leenahay Oo Dhabarka Inoo Jeedisa Iyo Umaddaada Oo Aad Dhex Dhigto Isnac Iyo Kala Fogaanshiyo.

Waa Mugdi Iyo Ayaan Darro Aad Sababi Doonto In Somaliland Dib U Noqoto, Xilli Soomaaliya Oo Aynu Geedi 30 Sanno Ah Ka Horeyney Ay Maanta Doorashooyin Hufan Qabsatay, Diyaarna U Tahay Maal-Gelin Iyo Kaalmooyin Horumarineed Dunida Ka Hesha, Una Kolonyeysato Dhinaca Horumarka Iyo Dhismaha Dawladnimada.

Maalinta Soomaaliya Ina Sugto Si Aynu U Soo Gaadhno, Saw Xaalkeenu Faan Beenoobay Noqon Maayo.

Labadaas Jid Ayaa Hadda U Furan Somaliland, Cidda Maanta U Kala Dooraysaana Waa Madaxweyne Biixi, Isagaa Og Jidka Uu Dooranayo, Laakiin Anigu Waxa Aan Ogahay In Midhaha Ka Dhashaa Macaan Iyo Qadhaadhba, Masuuliyaddeedu Guudkiisa Saaran Tahay.

W/Q Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Md. Khadar Xuseen Cabdi.

COMMENTS
Latest News