|
|||||
qorilugudnews24.com
Ku. Madaxweyne Muuse Biixi: Waa Kuma Hoggaamiyaha Wanaagsani?,”Prof. Mohamed Axmed Farah Jaafaa”
May 27, 2022 - Written by qoriadmin
Hawlaha Horyaal Ee Laga Rabo In Uu Guto Hoggaamiyuhu, Waxa Ay Ku Xidhan Tahay ; Hadba Nooca Bulshada Ee Uu Hoggaankeeda Hayo Iyo Waddada Siyaasaddeed Ee Ay Ku Taagan Tahay. Hoggaamiyayaasha Kala Gedisan Ee Bulshooyinka Dimuqraadiga Ah, Tan Diqimuraadiyadda.. Iyo Keli-Talis Iyo Kuwa Ku Sugan Qaababka Jaha-Wareerka, Qaska Iyo Kala Dambayn La’aanta, Way Kala Duduwan Yihiin, Maxaa Yeelay ; Isku Nidaam, Hab Iyo Xeer Midna Ma Aha Saddexdoodu. Marka La Isku Soo Cel-Celiyo, Hawlaha Uu Hoggaamiyuhu qabto, waxaa lagu Tilmaamaa in ay isugu jiraan ; dejin siyaasad, Qorshayn, Maamul, Khabiirnimo,iyo Abaal-marin, Garsoorid, Hawlwadeennimo Gudaha ah, Arrimaha Dibeddaha, Tusaalayn, Aabbanimo Iwm. Culimmadu waxay tilmaameen, inay cilmi-ahaan adag tahay; inuusan hoggaamiye qaban karin, Qofka leh Sifooyinka soo socda:- (a) Qofka shakiga badan ee aan isku kalsoonayn. Waxaa kaloo hoggaaminta bulshada hadduu qabto, isaguna ku fashilmaya; Qofka leh astaamaha wanaagsan ee hoggaaminta bulshada, sida; Geesinnimada, Deeqsinimada, Go’aan-qaadashada, Degganaanshaha, Garsooridda iwm. hase yeeshee, ay ka maqan tahay Hawl-karnimada, Waayo-aragna aan ahayn, waana sida loo yidhaahdo;” Waayo-aragnimo la’aaney ba’..”. Waxaa la arkay; rag shahaadooyin sar-sare wata, aqoon iyo akhlaaq aanay ku yarayn, magac iyo muuqaal weyn leh, hase yeeshee, aan labo xadhig isku xidhi kareyn, xafiisyadoodu ay hadhaysay fadhiidnimo hawleed, tallaabo kastoo ay qaadaanna laga sheeganayo wax qabad la\aan oo aanay hawlahooda gudan. Marka aynu hoos u eegno sifooyinka iyo astaamaha wanaagsan ee lagu garto Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha Wanaagsan, ma fududa xadidadoodu, maxaa yeelay, waxay badanaa ku xidhan tahay; Mawqifyada hadba soo wajaha hoggaamiyaha, waaqaca aan laga gudbi karin ee hor-yaal iyo deegaan-bulshadeedka ku xeeran, waana sida ay Murtidu sheegtay ” Haddii uu nin geesi ahi, raggu (geed-adayg yahay), haddaan garabka lala qaban guri oodi maayo..”(Heestii Gufaaco). Hoggaamiye kasta oo yimaada, astaamihii wanaagsanaa ee hoggaamintana leh, hanuusan taageero ka helin dadka iyo dawladda uu hoggaanka u hayo, waaqaca yaallana aannu u hiillin, hal tallaabo hore uma qaadi karayo, xilkiisana si fiican uma gudan karo, xataa haddii uu dibadaha maciinsado, sida ay taariikhdu sheegayso. Si kastoo ay arrimuhu yihiinba, waa inuu hoggaamiyaha muslimka ahi lahaado astaamaha iyo sifooyinka hoos ku qoran ee ay culimmadu sheegeen:- (1) Waa inuu Allihiisa weyn ka baqayo, niyad u hayo, daacad iyo diyaar u yahay xilka hoggaaminta bulshada, waddanina yahay. (2) Waa inuu jir iyo maskax-ahaanba bad qabo, si uu karti ugu yeesho xil-gudashadiisa. (3) Waa inuu Shakhsiyad, muuqaal iyo akhlaaq wanaagsan leeyahay. (4) Waa inuu dadka qancin karo, ra’yigiisana si fiican u cabbiri karo, si dhiirranna hadalka u karo, go’aan qaadashana leeyahay. (5) Waa inuu doonayo inuu dalka iyo dadkaba wax u qabto, dul-qaad iyo geesinimana muujiyo. (6) Waa inuu ka dhisan yahay dhinacyada; aqoonta guud, in ku filanna ka yaqaan cilmiga bulshada, diinta, siyaasadda, ugu yaraanna hal luqad oo caalami ah si fiican wax ugu cabbiri karo, si uu adduunka kale ula macaamilo. (7) Waa inuu leeyahay hal-abuur ,kana dabbaalan karo caqabadaha, maareyntiisuna mid macquul ah tahaY (8) Waa inuu leeyahay aragti dheer, wax sii saadaalin karo, dibin-daabyadana dareemi karo. (9) Waa in uu dadka kale iskaashi la samaynayo, qaddarinayo ra’yigooda, isla-weynina ayan ku jirin. (10) Waa inuu si caqli iyo miyir ah wax ku xallin karo, caadifadahana iska xakamyn karo. (11) Waa inuu joogto u horumarin karo xidhiidhka uu dadka kale, gudaha iyo dibaddaha la leeyahay. (12) Waa inuu bisayl iyo waayo-aragnimo xambaarsan yahay. Haddii Astaamahan Badankood laga helo Madaxweynaha ama Hoggaamiyaha, Waayuhuna Saacido, Dadweynaha iyo Xubnaha Dawladduna Garab-Galaan, waxay u badan tahay, inay arrintu noqon karto;” Rag baa ka taliyey, Rabbina waa aqbalay.” By: PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA), ANKARA, TURKEY.
COMMENTS
|
Latest News
|