|
|||||
qorilugudnews24.com
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Laga Dalbaday In Uu Toobad Keeno
June 3, 2022 - Written by qoriadminDifaacadda Cirdiga Iyo Sharafta Qofka Muslimka Ah Waa Waajib Ina Wada Saaran….
Wasiirkan Arrinkiisa Haddaan U Soo Noqdo Waa Laba Arrimood Mid: 1. Inuusan Sheekha Aqoon Fiican U Lahayn Oo Uu Sheekha Iyo Camalkii Dacwadda Ee Uu Wadeyba Aanu Wax Xog Ah Ka Hayn Oo Uu Ereyada Dadka Wax-Magaratada Ahi Iskaga Hadlaan Uu U Hadlay . 2. In Cadaawad Iyo Nacayb Uu Cullimada Iyo Dadka Ehelu-Diinka Ah Uu U Qabaa Ay Ku Jirto, Taasina Ku Xambaartay In Uu Sheekha Aflagaadeeyo Oo Uu dulmiyo . Haddiise Ay Qodobka Dambe Tahay Waxa Aan Leeyahay, Adiga Iyo Sheekha Illaahay Ha U Naxariistee Waxaad Isla Tegi Doontaan Maxkamadda Illaaha Caadilka Ah, Inta Aan La Gaadhina Waxaa Idiin Ballan Ah Sidii Raggii Hore Ee Saalixiinta Ahaa U Odhan Jireen Maalinta Jinaasadiina, Illaahay Ha U Naxariistee Sheekhu Dhimey haddii Jinaasadiisa la keeno Waddanka Ummadda Ayaa U Marag Furi Doonta, Adigana Waxaa La Sugi Cdidii Kaa Dambaysa Sida Aad U Dhimato Iyo Sida Laguu Aaso Ama Cidda Ku Aasta . Saleh Musa
COMMENTS
|
Latest News
|