|
|||||
qorilugudnews24.com
Guriga Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Dab Lagu Weeraray.
June 18, 2022 - Written by qoriadminHargeysa-(QorilugudNews24)- Dad Aan Haybtooda La Aqoonsan Ayaa Dab Qabadsiiyey Afaafka Hore Ee Guriga Uu Magaalada Hargeysa ka Degen Yahay, Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mr. Khadar Xuseen Cabdi. Xoghayaha Ayaa Qoraal Uu Ku Baahiyay Bogga Uu Ku Leeyahay Facebook-ga, Kaas Oo Uu Soo Raaciyey Sawiro Muujinaya Gubasho Soo Gaadhey Afaafka Hore Ee Gurigiisa, Taas Oo Uu Ku Sheegay In Ay Ahayd Taayir Baabuur Oo Lagu Gubey Albaabka Dibedda Ee Guriga Xilli Habeenimo Ah, Taasi Oo Sababtay In Uu Dab Qabsado Albaabka. “Waxaa Xalay Guriga Aan Hargeysa Ka Degenahay Kadinkiisa Lagu Gubey Taayir Gaadhi Oo Dabkiisii Uu Dhaawac Gaadhsiiyey Albaabka. Sida Laga Warqabana Falkan Mid La Mid Ah Ayaa Hore Uga Dhacay Guriga Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan” Ayuu Yidhi xoghaye Khadar. Xoghayaha Ayaa Ku Andacooday In Dabkani Uu Yahay Shirqool Siyaasaddeed, Oo Lagu Cabsi Gelinayo “Waa Arrin Ugub Ku Ah Dhaqanka Somaliland, Taas Oo Muujin Karta, In Uu Jiro Qorshe Siyaasaddeed Oo Lagu Khal-Khal Gelinayo Ammaanka Madaxda Xisbiyada Mucaaridka”. Waxa Uu Sheegay In Uu Dhacdadan Booliiska Ku Wargeliyey Isla Markaana Uu Sugayo In Baadhitaan Lagu Sameeyo, Cidda Ka Danbaysey taayir ka lagu gubay Afaafka Hore Ee Gurigiisa.
COMMENTS
|
Latest News
|