qorilugudnews24.com
Mashruucii Eng. Yariisow Ee Laga Fulinaayey Magaalada Berbera Qiimihiisuna Ahaa $7.87 Million Maxaa Lagu Qabtay?.
June 19, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Berbera Urban Development Project waxa Maal-Gelisay EU, Waxaana lagu Maamuusay AHUN Eng. Yariisow. Mashruuca waxa la daah-furay 30-kii January 2020, waxaana fulinaysay UN-Habitat oo kaashanaysa Dawladda Hoose ee Degmada Berbera. wakhtiga fulintu wuxuu ahaaa 3 Sannadood. Kharashka ku baxaayey wuxuu dhammaa $7.87M USD.

Mashruucan Ujeedadiisu Waa Maxay?

1). In la tayeeyo siyaasadda isku dhafan ee horumarinta iyo qorshaynta Magaalooyinka Berbera Iyo Muqdisho.

2). Maal-Gelinta iyo Awoodda Dawladaha Hoose ee Berbera iyo Muqdisho Iyo Awooddooda Adeeg Bixineed.

3). Abuurista dhaq-dhaqaaq ganacsi iyada oo xoogga la saarayo Haweenka iyo Bulashada dayacan ee ku nool Labada Magaalo.

Mashruucan waxa ku hoos jira Mashruuc Labaad oo ah BERBERA BEACHFRONT DEVELOPMENT PROJECT oo ay wada qabanayeen Dawlada Hoose ee Berbera iyo isla UN-Habitat wakhtiga uu ku dhammaanayeyna ahaa 7 Bilood.
Mashruucan Waxa Ugu Mudnaa Laba Qodob?
1). In xuquuq isku mid ah ay helaan dadka xeebta imanaya sida kuwa laxaadka La’a iyo kuwa Laxaadka Dhammaystiran Leh.

2). In baahiyaha aasaasiga u ah goob xeebeed ay helaan dadka Xeebta Berbera imanaya.

Mashruucan labaad waxa loogu Tallo-Galay in uu abuuro waddo dhammaystiran oo isku xidhaysa badda ilaa suuqa dhexe ee Magaalada Berbera raacsan yihiina biyo-mareenadii iyo qashin mareenadii (Sewage), Bus Stops, calaamadaynta goobihii dadku marayey, Street Light, sidoo kale mashruuca waxa ka mid ah goobo Qoysaska u gaar ah, goob Dumarka Oo Qudha U Gaar Ah, Goobo Sports Oo U Gaar Ah Hablaha, Goobo Sports oo u gaar ah Wiilasha, Goob Suuqeed Weyn Oo Dhisan, Goobo Recycling Ah, Waddo-Baaskeel, Goobo Parkings ah, Dhir Beeris Cagaarayn ah, Dhul-Bannaan oo Kayd ah, Barxado guud oo loogu Tallo-Galay Nasashada, Ciyaaro Dhaqameedka, Jimicsiga iyo Goobo Dadka Wadhatada ah ee aan suuqa rasmiga ah ahayn loogu tallo-galay kuwaas oo iibinaya Adeegyada fudud ee ay u baahan yihiin Dadka Badda imanaya.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News