qorilugudnews24.com
Maraykanka Oo Fashiliyey In Ay Jabuuti Ka Mid Tahay Dalal Ku Yaalla Geeska Afrika Oo Diidan Gooni Isu-Taagga Somaliland.
June 30, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Kaaliyihii Hore Ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka U Qaabilsanayd Afrika Ms. Jendayi Frazer Ayaa Sheegtay In Ay Jabuuti Iyo Uganda Ka Mid Yihiin Dalalka Ku Yaalla Geeska Afrika Ee Aan Doonayn In La Aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland.
Jendayi Frazer Ayaa sSharaxaad Ka Bixisay Mowqifka Uu Maraykanku Ka Qabey Gooni Isu-Taagga Somaliland, Xilligii Ay Shaqayneysey.

Wareysi Ay Frazer Siisay Hay’adda Madaxa-Bannaan Ee Xidhiidhka Arrimaha Dibedda Ee Fadhigeedu Yahay Maraykanka Ayay Ku Sheegtay In Ay Dawladdeeda Markii Hore Ka Sii Jeedey Arrimaha Somaliland, Balse Waxa Ay Shaaca Ka Qaaday In Wixii Ka Dambeeyey 2001-dii Uu Aqalka Cad “Il Gaar Ah Ku Hayey” Hannaanka Ay Ku Socotey Somaliland.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News