qorilugudnews24.com
Qodobada Ay Madax-Dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Hordhigeen Madaxweyne Muuse Biixi Kulankii Ay Kula Yeesheen Guriga Madaxtooyada.
July 27, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Madax-Dhaqameedka Beelaha Habar-Jeclo Ayaa La Sheegay In Ay Madaxweymne Muuse Biixi Hordhigeen Qodobadan Hoos Ku Xusan, Kadib Kulan Ay Kula Yeesheen Guriga Madaxtooyada Ee Somaliland.

1. In Madaxweynuhu dib uga noqdo go’aanka uu ku haysto Hargaysa Club, oo ah mid aan sharci ahayn madaama oo goobta lagu bixiyey sifo sharci ah Waqtigii Dawladdii Madaxweyne Daahir Riyaale.

2. In Xukuumadda Biixi ay qiimayn ku samayso Hubkii Beelaha Cumar Farax, Biiciide ay soo dhiibtey, lagana yeelo, nidaamkii la mariyey hubkii Ay xukuumaddu kala wareegtay beelaha kale ee Somaliland.

3. In Xildhibaan Hore, Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo lacag ku leh dawlada, gaar ahaan Mashruuca Berbera Corridor la siiyo deyntaas, madaama oo uu sifo sharci ah ugu guuleystey qayb ka mid ah qandaraaskaas, Sannadkii 2020, Kidibna Lagaga noqday.

4. In Boqorka Guud ee Beelaha Habar-jeclo Boqor Cismaan Buurmadoow oo xayiraad dal ku-gal la saaray, loo ogolaado in uu yimaado dalkiisa hooyo.

5. In Shirkadda Asli Maydi xukuumaddu ka deyso hagardaamada ganacsi ee ay ku hayso, sidoo kale xayiraadda laga qaado goobaha ganacsi ee Ay shirkadaasi leedahay.

6. In Gen. Dolaal oo darajadisii laga xayuubiyey loo soo celiyo, madaama oo uu yahay Nin dalkan u soo Halgamey, Maxkamaddii Ciidankuna ay ku weydey wax dembi ah.

7. In Madaxweyne Biixi uu u tudho dalka iyo dadka oo ku jira xaaladdo adag oo dhaqaale, oo aan loogu darin xasilooni darro siyaasaddeed iyo Mid Amni Xumo, Sidaa daraadeed, uu muujiyo Tanaasul.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News