qorilugudnews24.com
Habar-Jeclo Dagaal Sokeeye Ayey Dalka Ka Badbaadisey Maanta”Cali Guray”.
July 28, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Siyaasi Cali Guray, Ahna Guddoomiyaha Urur-Siyaasaddeedka HALGAN Ayaa Sheegay In Sannadkan Ay Beesha Habar-Jeclo Dalka Ka Badbaadisay Dagaal Sokeeye, Kadib Markii Ay Taageero U Muujiyeen Maanta Xisbiga Waddani.

Siyaasi Cali Ayaa Qoraal Kooban Oo Uu Kaga Hadlaayo Taageerada Maanta Ee Ay Beesha Habar-Jeclo U Muujisay Xisbiga Waddani Ku Sheegay In Muuse Biixi Uu Doonayey in Aanay Dalkaba Doorasho Ka Dhicin Inta Uu Isagu Nool Yahay. Qoraalka Cai Gurey Kaga hadlay Arrintan Ayaa U Qornaa Sidan:-

HA NOOLAATO MIDNIMADA BURCO.

Gobanimo. Haddaan Hooyaa, Waxaan Hambalyeynayaa Hoggaamiye Dhaqameedka, Waxgaradka Iyo Aqoon-Yahanka Bariga Burco. Baaqa Habar-Jeclo Musqaro Ha Moodina. Waxay Maanta Somaliland Ka Badbaadiyeen Dagaal Sokeeye Oo Laga Baqayey In Muuse Biixi Ka Rido Dalka Si Uu Kursiga Ugu Sii Negaado. Wuxuu Rumeysnaa In Shan Farood Iyo Calaacal Uu Xukunka Ku Haysan Karo, Doorsho Dambena Aanay Dalka Ka Dhicin Inta Uu Nool Yahay.

 

Hadda Miyirka Ayuu Keeni Doonaa Doorashona Laga baryi Maayo. Ma Jiro Qof Iyo Qofaf Uu Wato Oo Afduubi Kara Halgankii Ummaddani Ay Ku Soo Jirtey 41-kii Sanadood Ee Ugu Dambeeyay”

By: Mujaahid Cali Gurey.

 

COMMENTS
Latest News