qorilugudnews24.com
Miino Ku Qaraxday Carruur Yar-Yar Oo Xoolo La joogtey Deegaanka Habuura Ee Gobolka Togdheer.
August 6, 2022 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Ilmo Yar Ayaa geeriyooday Halka Uu Labo Kalena Dhaawac Ka Soo Gaadhey, Kadib Markii Ay Miino Kula Kacday Goob U Dhaxaysa Deegaanada Habuura Iyo Sibidhley Ee Xuduuda Somaliland Iyo Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

5 Qof Oo Kale Ayaa Iyaguna Dhawacmay Kadib Marki Gaadhi Ambalaas Ah (Ambulance) Oo Loo Diray Carruurta Dhaawaca Ah Ay Isku Dhaceen Gaadhi Kale Oo Dad Rakaab Ah Sidey, Shilkaas Oo Ka Dhacay Meel U Dhow Deegaanka Balli-Hiile Ee Gobolkaasi Togdheer, Sida Uu Sheegay Muuqbaahiyaha Xukuumadda Somaliland.

7-da Qof Ee Dhaawaca Ah Ayaa Hadda Lagu Dabiibayaa Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Burco, Sida Uu Sheegay Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka Ee Gobolka Togdheer Dr. Maxamed Yuusuf Jaamac.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News