qorilugudnews24.com
Boqor Buurmadow Oo Weerar Culus Oo Dhanka Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Muuse Biix, Iclaamiyeyna Dagaal.
September 16, 2022 - Written by qoriadmin

Addis Ababa-(QorilugudNews24)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow Oo Waraysi Siiyey Telefishanka Horyaal Ayaa Si Xun U Weeraray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Kaas Oo Uu Sheegay In Uu Somaliland Gaarsiiyey Meel Aad U Xun.

Boqor Buurmadow Ayaa Sheegay In Muuse Biixi Uu Isku Awood Bidayo Ciidamadii Qaranka Ee Somaliland, Isaga Oo Ku Eedeeyey In Shacabkii Uu U Tallinayey Ka Dhigay Kuwo Uu Dhul Ka Boobo Iyo Kuwo Uu Jeelasha Ku Guro.

“Muuse Waqtigii Wuu Ka Dhamaaday Oo Somaliland Way Burburaysa, Cid Qaban Karaysa Ma Jirto. Maaha Nin Ay Ka Ammaan Heleen Ganacsatadii, Saxaafadii Iyo Salaadiintii, Oo cid Kale Oo ka Ammaan Helaysa Aanay Jirin Bal Ka Waran,” Ayuu Yidhi.

Waxa Uu Hadalkiisa Sii Raaciyay “Muuse waxa Aan isku haynaa shacabkii ayaa ka shaqaysan kari waayey, ninka u dhow ee la fadhiista ayaan ahaaa, marka aad u tagto reer ayuu kula Xamanaya.”

Sidoo Kale Waxa Uu Ku Hanjabay In Muuse Biixi Marnaba Aanu Xoog Ku Fadhiyi Doonin Kursiga Ugu Sareeya Somaliland, Isla Markaana Uu Diyaar U Yahay In Awood Ciidan Loo Adeegsado.

“Maalintii U Horeysey Waan La Taliyey Oo Cadaalad Samee Ayaan Ku Idhi, Cid Walba Muuse Wuu Diidey. Salaadiinta Kuwii Cid Ugu Xigey Kama Uusan Xishoon. Maantana Suldaankii Guud Ayuu Doonayaa In Uu Toogto Ama Xidho.”

Ugu Dambayntiina Waxa Uu Iuu Dhisayo Xisbiyada Mucaaridka, Ayna Dagaal U Geleyaan Sidii Xilka Looga Tuuri Lahaa Muuse Biixi, Haddii Aanu Dib Ugu Soo Laaban Nidaamka Qori Isku Dhiibka Ahaa Ee Ay Somaliland Muddoba Ku Soo Dhaqmaysey.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News