qorilugudnews24.com
Xukuumadda Somaliland Oo Soo Jeedisey In Baadhitaan Lagu Sameeyo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Sababta.
September 20, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xukuumadda Somaliland Ayaa Xisbiga Waddani Ku Eedaysay In Aanu Difaacin Qaranimada Somaliland, Waxayna Soo Jeedisey In Baadhitaan Lagu Sameeyo Sababta.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Mr. Cumar Sayid Cabdillaahi Oo Waraysi Siiyey Galaydh Media, Ayaa Sheegay In Madaxda Xisbiga Waddani Aanay Weligood U Jawaabin Madaxda Soomaaliya, marka Ay Sheegaan Wax Taabanaya Qaranimada Somaliland.

“Waxaan Xisbiga Waddani Weydiinayaa Xoghayihiisa guud iyo Musharixiisa, Weligood Muqaal Ay Leeyihiin Oo Ay Soomaaliya Kula Hadlayaan, Ama Farmaajihii Somaliland Maagay Ee Wax Walba Ku Sameeyey, Ama Xasan Sheekhan Maanta Bu’ayey Ee Madaxweynuhu U Jawaabayey Bal Eray Ay Yidhaahdeen Soo Saar” Ayuu Yidhi Cumar Sayid.

Waxa Uu Xisbiga Waddani u soo jeediyey in ay Ummadda u sheegaan sababta ay ugu Jawaabi Waayeen Madaxda Soomaaliya, Isaga oo sheegay in ay sheegaan haddii Soomaaliya Sir ka hayso iyo in kale.

Waxa Uu Sheegay in Xisbiga Waddani looga fadhiyo in ay ka jawaaban hadalkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay dalka Maraykanka ee uu ku sheegay in aanu ogolayn Madax-Bannaanida Somaliland.

Dhinca kale, Waxa uu bogaadiyey Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee UCID, oo uu sheegay in uu meel adag iska taago markasta oo Madax-Bannaanida Somaliland la soo weeraro. Waxa uu soo jeediyey in la baadho sababta keentay in Madaxda Xisbiga Waddani Aanay wax jawaab Ah U Siin Madaxda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News