qorilugudnews24.com
Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal Dhex-Maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Kuwa Maamulka Puntland.
November 23, 2022 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Dagaal Sababay Dhimashada 3 Askari Iyo Ugu Yaraan Dhaawaca 8 Kale Ayaa Degmada Buuhoodle Ku Dhex-Maray Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland.

Taliyaha Guutada 135aad Ee Ciidamada Somaliland Ee Aagga Buuhoodle Gaashaanle Sare Cabdillaahi Dhagaweyne Oo Waraysi Gaar Ah Siiyey Muuqbaahiyaha Sahan, Ayaa Sheegay In Ciidanka Puntland Soo Weeraray Ciidanka Somaliland Oo Nabad-Gelyada Sugayey.

Ciidanka Puntland Ayaa Soo Qaaday Weerar Oo Laba Garab Ah, Garab Qaybta Booliiska Ah Oo Uu Taliyihii Qaybtu Wato, Qaybna Waxay Ahayd Qaybta Daraawiishta, Dagaal Ayaa Halkaas Ku Dhex- Maray, Ciidankaas Nabad-Gelyada Sugayey Iyo Nimankaas” Ayuu Yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Gaashaanle Sare Dhagaweyne Ayaa Sheegay In Uu Dagaalkaasi Ka Dhashay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac, Isla Markaana Ay Ciidanka Somaliland Dagaalka Ku Qabsadeen 3 Baabuur Oo Kuwa Dagaalka Ah.

“Dagaalkaasi Khasaaro Dhimasho Iyo Dhaawacba Waa Yeeshay, Dhankooda Intaanu Ka War Hayno 3 Dhimasho Ah Iyo 8 Dhaawac Ah Ayaa La Sheegayaa, Somaliland Nin Askari Ah Ayaa Dhaawac Ka Ah, 3 Gaadhi Oo Laba Tikniko Tahayna Waa Laga Qabtay Puntland” Ayuu Yidhi Gaashaanle Dhagaweyne.

Waxa Uu Sheegay In Markii Dagaalku Dhacay Ay Ciidamada Somaliland Ka Shaqaynayeen Sugida Nabad-Gelyada Buuhoodle Oo Shaqaaqo Beeleed Ka Dhacday, Isla Markaana Ciidanka Puntland Uu Dhinaca Kale Ka Joogey Magaalada, Kadibna Ciidamada Puntland Ay Soo Weerareen Ciidanka Somaliland xilli ay Sugayeen Ammaanka Odayaal-Dhaqameed Deegaanka Soo Gaadhey.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News