qorilugudnews24.com
Sacdiyo Yaasiin : Haddii Aan La Meel-Marin Sharciga jinsiga, Muqdisho Waan Ka Tegeyaa??.
November 28, 2022 - Written by qoriadmin

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee barlamaanka Soomaaliya, Ms Sacdiyo Yaasiin Salaad Samatar Ayaa Jeedisey Hadal Buuq Badan Ka Dhex Abuuray Baraha Internetka Ee Ay Bulshadu Ku Kulanto.

Guddoomiye Ku-Xigeenka barlamaanka Ayaa Munaasabad Lagu Daah-Furayey Wacyi-Gelinta Shaqaaqooyinka Dumarka, Waxay Ka Sheegtay In ‘Ay Muqdisho Ka Tegeyso Haddii Aanu Barlamaanku Meel-Marin Sharcigan Buuqa Badani Ka Taagan Yahay Ee Jinsiga.

Sacdiyo Salaad Waxa Ay Ku Doodaysaa In Uu Sharcigani Difaacayo Xuquuqda Jinsiga, Gaar Ahaan Waxay Sheegtay In Uu Wax Ka Qabanayo Kufsiga Gabadhaha Oo Ay Sheegtay In Uu Noqday Dembi Aan La Iskula Xisaabtamin.

Waxay sheegtay in dibbeda looga hanjabay sababta ay u taageersan tahay oo ugu ololaynayso sharcigan, iyada oo sheegtay in lagu eedeynayo inay fikir gaalo wado.

“Haddii Aydaan Aayadda Qur’aanka Ah Igu Ilaalinayn, Maxaad U Diidaysaan In Gaalada Loo Dhawaado? Waana Loo Dhawaanayaa Waana La Wada Gaaloobayaa,” Ayey Tidhi.

Sharciga Jinsiga oo ah mid dood weyn dhaliyey ayaa waxaa diidey in la Meel-Mariyo Baarlamankii hore ee Soomaaliya, Sannadkii 2020, iyaga oo u Arkayey in uu yahay Mid meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

Waatan Jawaabtii Sacdiya La Siiyey.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News