qorilugudnews24.com
Siyaasad Bugta Iyo Caqli Buka.
December 14, 2022 - Written by qoriadmin

London-(QorilugudNews24)-Haddaba Waxa Wax Laga Xumaado Ah In Muddo 23 Sannadood Ah, Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Siyaasaddoodu Waxay Noqotay Siyaasad Bukaan Socod Ah  Oo Aan Kaba Soo Raynayn, Taas Oo Dalka Markasta Gelisa Jaah Wareer, Werwer Iyo Khalkhal Siyaasaddeed iyo Khilaafaad Siyaasaddeed Oo Aan Dhamaanayn .

Waxay Noqotay Siyaasadda Xisbiga Kulmiye Mid Isku Daba Meeraysanaysa Oo Bugta Oo Asqaysan .

SIyaasad Xumadaa Oo Dalkii Iyo Dadkiiba Ka Dhigtay , Dal Buka Iyo Dad Bukka .

 

Siyaasad xumadan oo noqotay mid aan cidina garanayn meesha ay u socoto , iyo ujeedadeeda toona .

Dad badan ayaan jeclayn , haddii ay dhakhtarka u tagaan , in uu dhakhtarku u sheego , in ay cudur xun Qabaan .

Dadka intiisa badanina ma jecla qofkooda waalan , inay sheegtaan oo yidhaahdaan , qofkaa waalan walaalu ayaanu nahay , oo intooda badani way dafiraan .

Haddaba maxaad u malaynaysaa ma Siyaasiyiin intooda badani bugto, ayaa ogol inay qirtaan inay bukaan?, jawaabtu dee waa maya.

Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye waxay jecel yihiin inay isu munaafaqadeeyaan intay xilka hayaan , laakiin marka mid kasta la eryo, qaylo iyo cabaad iyo dhaliil ayuu waq ka siiyaa, oo ma moodidba kii shalay sida kale iyo difaaca ku jirey.

Haddaba waxa wax laga xumaado ah in muddo 23 Sanno ah, meeshii aynu doonayney aynaan weli gaadhin  oo aynaan Beesha caalamka ictiraaf ka helin.

Waxa wax laga xumaado ah, inaynaan weli waxba ka baran wixii dalka iyo dadka soo maray.

Waxa wax laga xumaado ah , in dhibaatooyinkii hore dalka u soo maray ay Maanta hadana mar kale soo noq noqdaan , oo hadana mar kale soo noq noqdaan , oo hadana mar kale soo noq noqdaan.

Haddaba Xaggay Wax Ka Khaldan Yihiin?,

Maxayse Dhibaatooyinkii Hore U Soo Noq Noqdaan?.

Maxay Siyaasiyiinta Somaliland U Noqon Waayeen Qaar Hore U Socda Oo Mudakar Ah?.

Maxayse Weli U Asqaysan Yihiin Oo Dalkan Horumar Ugu Hoggaamin Waayeen?.

Maxay Maalin Kasta Shacabka Dushiisa Isugu Qabsadaan Iskulana Dul Kufaan?.

Maxay Maalin Kasta Dhibaatooyinka Iyo Khilaafaadka Siyaasadeed Oo Aan Loo Baahnayn U Abuuraan ? Ma Garaadka Ayaa Sidaa Ka Ah?

Maxay Maalin Kasta Sharciga Dalka U Yaalla Ugu Tumanayaan? Ma Maskaxday Wax Ka Qabaan?

Maxay Sharcigii Lagu Doortay U Jebinayaan? Maxaa Ka Siya?

Maxay U Xalaalaysteen, Una Caadaysteen in Aanay Sharciga Ixtiraamin?

Maxaa Siyaaasiyiinta Somaliland Siyaasaddooda Ka Dhigay Mid Madhalays Ah Oo Aan Dalka Iyo Dadka Waxba U Soo Kordhin?

 

Haddii Khubarada Siyaasadda Loo Bandhigo, Siyaasad Xumada Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye , Cid Fahmi Lahayd Ama Garan Lahayd Ujeedadooda Ma Jirto.

Waayo lama garanaayo meel ay u socoto siyaasaddoodu iyo u jeedo ay leeyihiin toonna .

Haddaba maxaa ka siya , siyaasiyiinta xisbiga kulmiye iyo siyaasadooda -ba

Haddaba haddii xisbiga kulmiye mudda kordhiyo loo sameeyo, muxuu dalka iyo dadka u soo kordhin lahaa? jawaabta waynu iska wada garanaynaa . (qabyaalad. musuqmaasuq Iyo caddalad darro …..)

Haddaba waxaan kula tallin lahaa  siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye, waxba soo kordhin maysaane si sharafleh xilka u wareejiya oo doorashada Xilligeedii qabta , bal intaas uun ha La Idin ku Xasuustee .

Waxaan tallo u soo jeedin lahaana siyaasiyiinta Somaliland oo dhan oo waxaan u sheegi lahaa In ay Af-kooda ka adkaadaan oo aanay iskaga hadlin wax kasta oo ay doonaan, hana ogaadeeen in Malaa’iigi la Socoto oo ay qorayso wax kasta oo ay ku hadlaan ,

kii Malaa’iigtu ka hadhay waa halkiisa .

Waxa dalku u baahan yahay Siyaasad Caafimaad qabta iyo Caqli Caafimaad qaba oo garaad Wanaagsan ,oo dalka iyo dadkaba kasaara Mugdigan uu ku jiro

Dunidan illaahay abuuray ma jiro Dal Faqiir (Sabool) ahi, laakiin waxaa jira dad faqiir ah

Somalilandna maaha dal sabool ah, laakiin siyaasiyiintiisa ayaa garaadka ka faqiir (Sabool) ah oo aan dalka iyo dak waxba u soo kordhinay.

Waxa nasiib darro ah , in ay Somaliland xukumaan dad siyaasadoodu Bugto , caqligooduna buko .

Somaliland waxay u baahan tahay siyaasad caafimaad qabta iyo siyaasiyiin caqli iyo garaad siyaasaddeed leh .

CALI MAXAMED BIIXI

caliwwelli@hotmail.co.uk

COMMENTS
Latest News