qorilugudnews24.com
Yaa Ka Masuul Ah Dib U Dhaca Iyo Dayaca Baahsan Ee Ka Muuqda Degmada Qorilugud?, Maxaye Ka Faa’iidey Xukuumaddihii Kala Dambeeyey Ee Xisbiga Kulmiye?.
December 15, 2022 - Written by qoriadmin

Burco-(QorilugudNews24)-Tan Iyo Intii Laga Soo Noqday Halgankii Hubaysanaa Ee SNM, Degmada Qorilugud Ayaan Marnaba Helin Nadaam Dawladdeed Oo La Mahadiyo, Hoggaan Leh Aragti Iyo Hal-Abuur, Kaas Oo Bulshada Ku Hagi Kara Hannaan Hufan U Horseedi Kara Horumar Iyo Badhaadhe, Isla Markaana U Soo Dhicin Kara Xaqa Kaga Maqan Dawladda Dhexe Ee Somaliland, Balse Waxa Meesha Iska Yuurura Maamul Fadhiid Ah Oo Magac U Yaal Ah, Kaas Oo Ay Shaqadiisu Naqotay Oo Keliya In Uu Sacabka U Garaaco Hadba Cidda Uu Ka Uriyo Xisbika Kulmiye Iyo Waxa Uu Cagaha Ku Jiito Ee Hore Loo Eeday Siyaasaddiisa Madhaleyska Ah Iyo Ballan-Qaadyadiisii Geed Kaga Kaca Ahaa Ee Dureyga Iyo Duumada Laga Qaaday, Isla Markaana Kula Dul Kufa Amaan Aanu U Qalmin Iyo Wax Aan Loo Fadhiyin Oo Aan Meesha Leegayn.

Haddaba Ma La Odhan Karaa Degmada Qorilugud Oo Ah Degmo Taariikhi Ah, Waxa Gabay Aqoon Yahankeedii, Cuqaasheedii Iyo Waxgaradkeedii Oo Dhammaantood Noqday Prepaid Iyo Fadlan Igu Shubo Iyo In Iska Ah Lax Dhukani Abaar Ma Og, Kuwaas Oo Ka Hadhay Kheyrkood, Isla Markaana Aan Lahayn Han Iyo Himilo Ay Ku Iib Geyn Karaan Qadiyadda Iyo Baahiyaha Kala Duwan Ee Ay Bulshadoodu Qabto, Meel Kasta Oo Ay La Gashaba, Sida Dhigooda Kale Ee Ka Soo Jeeda Degmooyinka Kale Iyo Tuulooyinka Yar-Yar Ee Galbeedka Somaliland, Kuwaas Oo Afka U Dhigtay Guud Ahaan Hantidii Iyo Waxtarkii Somaliland Ee Loo Wada Sinaa, Isla Markaana Uba Qaatay In Ay Tahay Dhaxal Iyagu Iska Leeyihiin Oo Uu Aabahood Uga Dhintay.

Qorilugud Maanta Waxa Ay U Muuqaal Eeg Tahay Xaafad Jin, Ama (Ghost Village), Waxayna Ka Arradan Tahay Dhammaan Kaabayaashii Aas-Aaska U Ahaa Nolosha Iyo Arrimaha Bulshada, Sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha Iyo Guud Ahaan Xarumii Kala Duwaa Dawladdeed Ee Bulshada Loogu Adeegi Jirey, Kuwaas Oo Aan Laga Rajo Qabin In La Helo Tan Iyo Inta Uu Xisbiga Kulmiye Meesha Sii Joogo Talladana Uu Sii Hayo.

Waxa Kale Oo Iyana Isweydiin Muddan Waxa Mar Keliya Meesha Loo Dhaafin Waayey Maamulkan Fadhiid Ah Ee 30 Sannadood Meesha Uun Iska Soo Yuurura, Kaas Oo Aan Waxbana Soo Kordhin, Meeshana Aan Dhaafin, Waayo Masuulku Haddii Uu Fashilmo Ama Waa Is-Casilaa Ama Waa La Bedelaa, Maamulkaasina Waxa Uu Astaan Madow U Yahay Nooca Ay Yihiin Dadka Uu Xukumaayo Iyo Caqligooda Siloon Ee Garan Kari Waayey In Ay Maamulkan Takhaakhuley Ee Madhaleyska Ah Mar Qudha Isdhaafiyaan Oo Ka Dhiidhiyaan, Isla Markaa Ay Meesha Keen Sadaan Cid Kan U Dhaanta Oo Si Hufan Ugu Adeegta, Danahoodana Uga Shaqaysa Oo Xaqooda Ka Maqana U Soo Dhicisa.

La Soco Qaybaha Dambe………

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News