qorilugudnews24.com
Xildhibaan Sheegay In Muuse Biixi Weerar Ku Hayo Beesha Habar-Jeclo
January 18, 2023 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Xildhibaan Mustafe Kheyreeye Oo Ka Tirsan Xilidhaabada Golaha Wakiilada Ee Somaliland Ayaa Sheegay iIn Xukuumadda Muuse Biixi Ay Weerar Ku Hayso Beesha Uu Ka Soo Jeedo Xildhibaanku Ee Habar-Jeclo.

Sidoo Kale Waxa Uu Xildhibaanku Intaasi Ku Daray In Uu Dulmi Yahay Xadhiga Ay Xukuumadda Muuse Bihi Kula Kacday Col. Maxamed Cali Yuusuf Cartan, Kaas Oo Ka soo jeeda Beesha Habar-Jeclo, Kana Tirsan Ciidamada Sirdoonka Somaliland.

Xildhibaanka Ayaa Qoraal Uu Kaga Hadlay Arrimahaasi Oo Uu Baahiyey Waxa Uu U Qornaa Sidan:-

“Ama Ummad Baynu Noqon Sharciga Ixtiraamta Ama Hoosaasada Ayeynu Ka Bixi Oo Rag Ayeynu Noqon.

Qaranka Somaliland Wax Lagu Ciyaaro Maaha, Muuse Biixi Iyo Xukuumadda Uu Hoggaaminaayo, Ficiladan Ay Wadaan Wax La Eegan Karo Maaha, Waa Boob, Adyad Iyo Edeb Darro Nooc Ay Tahayba.

Nin Ayaa Laga Hayey Hal-Hayskan “Walaalkaa Oo Dhintayna Wax Loo Faano Maahaa Naagtaasina Waxay Samaynaysaa Wax Loo Adkaysto Maaha”.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xukuumaddiisu Waxay Samaynayaan Wax Loo Dul-Qaadan Karo Maaha, Wax La Sii Eegan Karana Maaha.

Madaxweyne Muuse Biixi, Muddadii Uu Xukunka Hayey, Waxa Uu Dagaal Iyo Weerar Badheedh Ah Ku Qaaday Ilaa Iminkana Ku Hayaa, Beesha Bariga Burco, Haddii Aan Si Kale U Idhaahdo Beesha Habar- Jeclo, Bilowgiiba Markii Uu Xukunka La Wareegay Waxa Uu Bar-Tilmaameed Ka Dhigtay Siyaasiyiintii, Ganacsatadii, Saraakiishii iyo Shaqaalihii Beesha, Isaga Madaxweynuhu ilaa iminka mar qudha aan ka Nasan.

Maaha Mid Qoraal Lagu Soo Koobi Karo, Dhibaatada Iyo Hagar-daamada Ay Ku Hayaan Beesha Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Xukuumaddiisu, Mana Aha Wax Loo Siman Yahay Ee Waa Mid Gaar U Ah Beesha Bariga Burco.

Xishoodka Iyo Aamuska Ay Sameeyeen Wax-Garadka,Siyaasiyiinta Iyo Qaybaha Bulshada Ee Beeshu Ayaa Keenay In Madaxweyne Muuse Biixi Uu Sii Wado Bar-Tilmaameedkiisa Ku Waajahan Beesha Bariga Burco

Aan Mid Ku Idhaahdo Madaxweyne Muuse Biixi, Gabaygii Ibraahin Gadhle Ee Ahaa:-

“Waraabe Ayaa Yidhi Magacii Inkaarnaa Amiin Baan Kala Baxay Ee Ha La I Aamino” Kadib Maalintii Dambe Ayaa Waxaa Dhacay, In Neef La Gawracay, Dabadeed Sii Ilaali Lagu Yidhi, Muu Si Eegine Wuu Cunay Neefkii Inta Uu Cararay Ayuu Yidhi, Waxaad Igu Ogaataan Wixii Aan Ahaan Jirey, Muuse Biixi Waxaanu Leenahay Waxaan kugu ogaanaynaa waxaad ahaan jirtey qof welibana Bulshadu ku ogtahay.

Haddii Deegaanka Aan Ka Soo Jeedaa Uu Noqday Xaabadii La Shidanayey Kolka Colaadda, Ilaalinta Deeganaanshaha, Qaranimada Iyo Wada-Jirka Ummadda Ee Aynu Ku Dhammaanayna Karaamo Iyo Sharafna Siin Waayey Oo Muuse Kolba Sida Uu Rabo Noogu Durduriyey.

Wallaahi In Aan La Aqbali Karin, Ciddii Waxaas Yeeli Lahayd Daayoo Ciddii Loola Iman Lahaa Na Nihin, Afkayga Waan Hayaa Weli.

Waxa La Yidhi Meyd Maxaa U Dambeeyay Iyo Kaas Ayaa U Dambeeyay.

Aad Baan Uga Xumahay, Wax La Aqbali Karana Maaha Xadhiga Iyo Tacadiga Gaadhay Col. Maxamed Cali Yuusuf Cartan, Oo Ka Mid Ahaa Saraakiisha Ugu Aqoonta Badan Ciidanka Sirdoonka Qaranka, Oo Xadhig Iyo Xukun Sharci Darro Ahi Ku Dhacay, Lagana Qaaday Darajadii Ciidanka Ee Uu Muddada Dheer Ugu Soo Shaqaynaayay Dalkiisa.

Sidoo Kale Saraakiisha Xidhan Ee Deegaankayga Ah Ee Bar-Tilmaadeedka Noqday Waan Ka Xumahay Waxa Haysta.

Kuwa Qaranka Difaacaya Xaalad Kasta, Ama Duulaan Qaranka Lagu Soo Qaado U Dhinta Waa Deegaankayga, Midh Midhkii Xafiisyada Joogayna Waxay Bar-Tilmaameed U Noqdeen Kooxo Muuse Biixi Ka Amar Qaata Iyo Carruurtiisa Oo Maalin Walba Eryanaya.

 

Saraakiishii deegaankaygu waxay Bar-Tilmaameed u noqdeen Xukuumadda Muuse, Saraakiishii Hay’adda Sirdoonku waxay Noqdeen wax la xidho, wax xilka laga qaado iyo wax la Maxkamaddeeyo, intuba waa Deegaankayga, waxa waxaas samaynayaa waa Makas iyo wax magarato ay Muuse Biixi iyo Carruurtiisu ku shaqaysanayaan.

 

Waxaan Leeyahay Naga War Suga Haddii Aanu Nahay Mudaneyaashii Aad Doorateen Ee 20-ka Mudane Ahaa, Qarankiinana U Adeega Inta Aanu Soo Xaqiijinayno In Lagu Soo Noqdo Sharciga Iyo Kala Dambayntii Dalka

 

Ugu Dambayntii Waxa Aan Qoraalkayga Ku Soo Gunaanadaya “Ama Ummad Baynu Noqon Sharciga Ixtiraamta Ama Hoosaasada Ayeynu Ka Bixi Oo Rag Baynu Noqon”, Ayuu Yidhi Xildhibaan Mustafe Kheyreeye.

COMMENTS
Latest News