qorilugudnews24.com
Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Danab Ee Soomaaliya Colonel Xasan Tuure Iyo Askar Kale Oo Lagu Diley Dagaalkii Saaka Ee Deegaanka Galcad.
January 21, 2023 - Written by qoriadmin

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay geerida Taliye XasanTuur – Puntland Post

Muqdisho-(QorilugudNews24)-Taliye Ku-Xigeenkii Ciidanka Danab Ee Soomaaliya Colonel Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) Iyo Askar Kale Ayaa Lagu Diley Dagaalkii Saaka Ee Deegaanka Galcad Ee Gobolka Galguduud.
Weerarka Ayaa la sheegay in uu ku bilowday ilaa laba Gaadhi oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo u dhaxeeyey Ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka oo isku Dhinac Ah iyo Al-Shabaabkii Weerarka Soo Qaaday

Dagaalkan ayaa Waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed Oo Baahsan.

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News