qorilugudnews24.com
Aaway Kuwii Derbi-Jiifyada Ahaa Ee Laaluushka Qaadan Jirey Ee Dadka Nin Kasta Oo Sharaf Leh Caayi Jirey?, ”Boqor Buurmadow.
January 24, 2023 - Written by qoriadmin

Istanbul-(QorilugudNews24)-Boqor Buurmadow Oo Ka Mid Ah Madax-Dhaqameedka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladda Magaalada Laascaanood Ayaa Yidhi:- “Aaway Kuwii Derbi-Jiifka Ahaa Ee Nin Kasta Oo Qiimo Leh Tv-yada Ka Soo Caayi Jirey Inta Laaluushka La Siiyo, Maanta Wataas Murkacatay [Somaliland] Ee Cay Iyo Xal Midna Ma Ku Hadhay…”
Hadalkan Boqor Buurmadow Ayaa Iminaya Xilli Salaadiin Ka Tirsan Beesha Muuse Biixi Ay Dhawaan Buurmadow U Soo Jeediyeen Eedo Iyo Kelmado U Muuqday Aflagaado.

Boqor Buurmadow ayaana inta badan ka qayb-qaata Xalinta Dhibaatooyinka ka dhaca deegaanada ay Soomaalidu degen tahay, taasi oo dadka qaar ku doodayaan in Buurmadow Gacan Wanaagsan ka geysan lahaa haddii loo diri lahaa dhibaatada Ka Taagan Magaalada Laascaanood Ee Ay xukuumadda Muuse Biixi U Itaal Weydey.

 

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News