qorilugudnews24.com
Turkiga Oo Tallaabo Adag Ka Qaaday Falkii Wuxuushnimada Ahaa Ee Lagu Gubey Kitaabka Qur’aanka.
January 25, 2023 - Written by qoriadmin

“Qofna Xaq Uma Laha In Uu Bahdilo Muqadasaadka” Ayuu Yidhi Mr. Erdogan.

Ankara-(QorilugudNews24)-“Sweden Yaanay Filanin In Turkigu Tageero Ka Mid Noqoshadeeda NATO”, Ayuu Madaxweynaha Turkiga Erdogan Yidhi Shalay, Maalmo Uun Kadib Markii Kitaabka Qur’aanka Kariimka Ah Lagu Gubey Dibed-Baxyo Ka Dhacay Magaalada Stockholm Ee Dalka Sweden.

Sweden ayaa codsatay ka mid noqoshada NATO ka dib markii uu Ruushka weeraray Ukraine – balse Turkiga Oo Xubin Muhiimka ka ah NATO ayaa shuruudo ku xidhay ka mid noqoshada Sweden iyo Finland Ee NATO.

Kurdiyiinta ku nool Sweden oo mudaharaad ku deldeley wax ay u ekaysiiyeen Erdogan ayaa waxaa xigey in Kitaabka Qur’aanka ah lagu hor gubo Safaaradda Turkiga ee Sweden Sabtidii.

Jawaab uu ka bixiyey Madaxweyne Erdogan ayuu ku yidhi, ” Sweden yaanay filanin taageerada Turkiga ee ka mid noqoshadeeda NATO”.

“Waxaa iska cad in kuwii ceebta intaas le’eg ku sameeyey Safaaradda dalkeena horteeda Aanay naga sugi karin wax wanaag ah oo ku aaddan Codsigooda.”

Mudaharaadkii Sabtida lagu gubey kitaabka ayey dawladda Sweden fasax usii ogolaatay ka hor inta aanu Bilaaban balse gubista Qur’aanka ayaan fasaxa ku jirin.

Erdogan ayaa cambaareeyay dibad bixii ugu dambeeyay ee lagu gubay kitaabka Qur’aanka, kaas oo uu fuliyey siyaasi midigta ka tirsan xisbiga midigta fog ee Denmark, wuxuuna Erdogan falkan ku tilmaamay mid aflagaaddo ah oo aanay xuquuqda hadalku difaaci Karin.

Dawladda Aweden Ayaa Dhankeeda Dhaleecaysay Mudaharaadka.

“Sweden waxa ay leedahay xoriyatul qawlka oo aad u qoto dheer, laakiin macnaheedu maaha in dawladda Sweden ama nafteydu ay taageersan tahay fikradaha la soo bandhigay” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Sweden Tobias Billstrom sabtidii.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Erdogan Isniintii, ayuu Mr. Billstrom sheegay in uu doonayo inuu si sax ah u fahmo waxa uu yidhi hoggaamiyaha Turkiga ka hor inta Aanu faallo ka bixin.

“Sweden waxa ayy ixtiraami doontaa heshiiska u dhexeeya Sweden, Finland iyo Turkiga ee ku saabsan Xubinnimada Nato,” Ayuu raaciyEy.

Sweden oo ay weheliso Finland ayaa dalbaday in ay ku biiraan Gaashaan-Buurta Nato, kadib markii Ruushka uu galay Ukraine, balse ,Mudaaharaadyadii u dambeeyey ayaa uga sii daray Xiisaddii awelba Taagneyd.

Xoghayaha guud ee gaashaan-buurta Nato Jens Stoltenberg ayaa sheegay in xoriyatul qawlka ay tahay hanti qaali ah oo ka jirta Waddamada Nato, wuxuuna sheegay in falalkan ay yihiin kuwo aan munaasib ahayn, balse Aanay ahayn kuwo si toos ah Sharci darro u ah.

Turkiga oo ah waddan Muslim ah ayaa cambaareeyey Go’aanka ay dawladda Sweden ku ogolaatay Mudaaharaadka kuna tilmaamay mid aan gebi ahaanba la aqbali karin.

“Qofna Xaq Uma Laha In Uu Bahdilo Muqadasaadka” Ayuu Yidhi Mr Erdogan Oo khudbad Telefishin Jeedinayey Isniintii.

“Markaynu wax nidhaahno si daacad ah ayaanu u sheegnaa, marka qof na ixtiraamo, waxaanu dhignaa meeshiisa,”

Wasiirka Gaashaandhigga Hulusi Akar ayaa sheegay in Turkigu uu Baajiyey Booqashadii Dhigiisa Sweden Pal Jonson, ku imaan lahaa Turkiga kadib markii “uu arkay in aan wax Tallaabo ah laga qaadin… Mudaaharaadyada laga yiq-yiqsoodo”.

Booqashooyin is daba joog ah oo ay hore Wasiirada ugu sareeya Sweden ku tageen Caasimadda Turkiga Ee Ankara ayaa rajo gelineysey in Safarkani uu fududeeyo Diidmada ku biiritaanka Sweden.

Maadaama Turkiga uu horey xubin uga ahaa Nato, wuxuu hor istaagi karaa waddan kale in uu ku biiro, waxaana uu horey u soo bandhigay dalabyo dhowr ah oo Sweden ku socda. Taas oo ay ku jirto in loo gacan geliyo qaar ka mid ah Kurdiyiinta ku nool Sweden, Kuwaas oo uuTurkigu sheegay in ay yihiin Argagixiso.

Horraantii bishaan, ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa sheegay in dibed baxayaasha Kurdiyiinta ee Stockholm ka soo laad-laadiyay Sawirka Madaxweynaha Turkiga ay isku dayayeen in ay carqaladeeyaan Codsiga Sweden Ee Nato.

Wasiir ka tirsan Sweden ayaa falkan ku tilmaamay mid laga Xumaado, balse Turkiga ayaa sheegay in cambaareyntaasi Aanay ku filneyn.

Xigasho: BBC

COMMENTS
Latest News