|
|||||
qorilugudnews24.com
War Deg Deg Ah: Reer Galbeedka Oo Looga Digey Kooxo Qurba-Joog Ah Oo Hubaynaya Shacabka Reer Laascaanood.
January 31, 2023 - Written by qoriadminLondon-(QorilugudNews24)-Dalladda Ururada Qurba-Joogta Reer Somaliland, Ayaa Baaq Ka Soo Saaray Xaaladda Ka Taagan Magaalada Laascaanood.
Dalladda Qurba-Joogta Somaliland Ee Magaceeda Loo Soo Gaabiyo SSE Iyo Ururada Bulshada Somaliland Ee Hoos Taga, Ayaa Sheegay In Rabshadaha Amniga Lidka Ku Ah Ee ka Socda Magaalada Laascaanood Ay Ku Lug Leeyihiin Kooxo Ay Ku Sheegeen Argagixiso Iyo Qurba-Joog, Kuwaas Leh Ujeeddooyin Kala Duwan Leh. Dalladda Ururada Qurba-Joogta Somaliland, Ayaa War-Saxaafaddeed Ay Soo Saareen Ku Sheegay In Qurba-Joogta Qaybo Ka Mid Ah Gobollada Sool, Sanaag Iyo Degmada Buuhoodle Ay Gacan Weyn Ku Leeyihiin Waxa Laascaanood Ka Socda Isla Markaana Ay Ururinayaan Lacago Hub Iyo Rasaas Lagu Iibiyo, Si Ay Dhibaato Iyo Xasilooni Darro Uga Abuuraan Gobolka Sool, Arrintaas Awgeedna Waxay Dawladdaha Caalamka ee ay Qurba-Joogtaasi Joogaan Ka Codsadeen In Ay Hoos U Eegaan Oo Ay Wax Ka Qabtaan. Sidoo Kale, War-Saxaafaddeedka Ayey Ku Socodsiiyeen Ururada Midowga Yurub, UK, Midowga Afrika, Kanada Iyo Maraykanka.
COMMENTS
|
Latest News
|