qorilugudnews24.com
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socdey Dawladda Norway.
March 17, 2023 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed Oo Uu Wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Xuseen Albaani Ayaa Kulan La Qaatay Ergeyga Gaarka Ah Ee Dawladda Dalka Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi Iyo Safiirka Ku-Xigeenka Dawladda Norway Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed Ayaa Weftiga Warbixin Ka Siiyey Amniga Guud Ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Iskaashiga Nabad-Gelyo Ee Ka Dhexeeya Dawladda Somaliland Iyo Waddamada Jaarka Ah.

Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka Wada Hadleen Labada Dhinaca Iyo Weliba Mashaariicda Horumarineed, iyada oo kulankan ay ka soo Qayb-Gashay Hay’adda Saferworld Oo Uu Metelayey Cabdillaahi Ibrahim.

Kulan Ayaa Ku Soo Dhammaaday Isfaham Buuxa Iyo Wada Shaqayn Labada Dhinac Ee Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Dawladda Norway.

Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News