|
|||||
qorilugudnews24.com
Madaxweyne Biixi Oo Maanta Waraaqaha Safiirnimo Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Ay Dawladda Federaalka Itoobiya U Soo Magacawday Somaliland.
March 21, 2023 - Written by qoriadmin
Kulankan Madaxweynuhu Ku Qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, Madaama Safiirku ku cusub yahay Xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu u rajeeyey Safiirka in uu halkaasi ka sii amba qaado Xidhiidhkii wada shaqayneed ee Xafiiska uu haatan ka hawl-gelayaa hore u hayey. Waxaana kulankaa lagu lafo-guray Wada Shaqaynta iyo Xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya ee ku dhisan Isu Socodka, Iskaashiga Dhaqan Dhaqaale Ee Labada Bulsho iyo Arrimaha Nabad-Gelyada mandaqadda Geeska Afrika, maadaama Safiirku Hawlahiisa Shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan Waxa Madaxweynaha Ku Wehelinaayey Wasiirka Ku- Xigeenka Arrimaha Dibedda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Ahna Ku Simaha Wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey Ku-Xigeenkiisa. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
COMMENTS
|
Latest News
|