|
|||||
qorilugudnews24.com
Madaxweyne Biixi: Dagaalku Joogsan Maayo Inta Taako Ka Mid Ah Xadka Somaliland Uu Cadow Ku Jiro.
May 18, 2023 - Written by qoriadmin
Madaxweynaha oo ka hadlayey Xuska Munaasibadda 18-Ka May, ayaa Maamulka Puntland si gaar ah ugu eedeeyey Colaadda ka taagan Magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in uu ku Hamiyayo in uu qaato qaybo Ka Mid Ah Somaliland. “Iyadoo 5 tii Soomaaliyeed mid walba meesheeda lagu ixtiraamo, way iga dhaadhici laadahay in Puntland iyo reer ka halka daga ay ku riyoodaan in ay yidhaahdaan Somaliland Badh ayaanu goosanaynaa, Hamada intaa leeg halka Ay ka keeneen” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Waxa uu sheegay in Saraakiil dembiyo galay xilligii dawladdii Kacaanka ay isku Urursadeen Deegaanada Puntland si ay Somaliland u waxyeeleeyaan, wuxuuna sheegay in Somaliland is difaaci doonto. “Taliyayaashii Hargaysa, Burco iyo Borama sida u galay ee dadka dhameeyay waxa ka sameeyayna, maanta dhammaantood Garoowe ayey joogaan oo ay ku taamayaan 30 Sanno ka bacdi in ay dib u bilaabaan wixii ay geysteen,” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Waxa uu sheegay in aanu Aqbalayn in la yidhaahdo Xadka Somaliland ayaa Badh la gooyey isaga oo sheegay in dhammaan Xuduudaha Soomaalidu Burburi Doonaan haddii Xuduuda Somaliland la Fara-Geliyo, Wuxuuna Sheegay In Aanu “Dagaalku Joogsan Doonin inta Taako ka mid ah Xadka Somaliland uu Cadow Ku Jiro” Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com
COMMENTS
|
Latest News
|