|
|||||
qorilugudnews24.com
Dekedda Berbera Oo Ka Hormartay Dekedda Mombasa Ee Dalka Kenya, Kadib Qiimeyn Uu Sameeyey Bangiga Adduunku.
May 23, 2023 - Written by qoriadminHargeysa-(QorilugudNews24)-Dekedda Berbera Ee Somaliland Ayaa Ka Hormartay Dekedda Weyn Ee Mombasa Ee Dalka Kenya Sida Lagu Sheegay Qiimayn Uu Sameeyey Bangiga Adduunku. Qiimaynta Bangiga Adduunka oo lagu saleeyay xulashada dekeddaha ugu shaqada iyo habmaamulka fiican ee Afrika ayaa waxa guul kasoo hooyay dekeddaha Jabuuti, Berbera iyo Dara Salam oo kaalmaha ugu horeeya galay, halka Dekedda Mombasa tartanka lagaga guuleystey. “Waxaanu ku muteysanay shaqada aanu u qabanay Maraakiibta iyo adeegga aanu u qabano, sida Dejinta, Rarista, Shaqada Aanu qabanay ayaan Kaalintaa ku gaadhnay,” Maareeyaha Dekedda Berbera Saciid Xasan Cabdillaahi ayaa sida U Sheegaay Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da. Warbixin Ay Qortay BBC-du ayaa lagu sheegay in Dekedda Jabuuti uuni ay ka horayso Dekadda Berbera isla markaana Dekeddaha Port Elizabeth Ee Durban Iyo Cape Town ay ku sii xigaan, Dekeddahan ayaa ku soo baxay qiimaynta lagu sameeyey Dekeddaha Dalalka Saxaraha Ka Hooseeya. “Hagaajinta hawl hufnaanta Dekeddu waxay lama huraan u tahay furitaanka Koriinka iyo Horumarka Afrika,” Martin Humphreys, oo ah hoggaamiyaha Dhaqaalaha Gaadiidka Ee Bangiga Adduunka ayaa sida u sheegay Jariiradda The East Afrikan. Dekedda Magaalada Berbera ayaa lagu sameeyey horumarin ballaadhan iyada oo Shirkadda Dekeddaha ee DP-World ay Malaayiin Dollar ku kharashgaraysay Horumarinta Dekeddan Ku Taalla Goobta Muhiimka Ah. Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com
COMMENTS
|
Latest News
|