qorilugudnews24.com
Somaliland Oo Laga Xusayo Sannad-Guuradii 63aad Ee Ka Soo Wareegtey Markii Ay Xorriyadeeda Ka Qaadatay Gumeystihii Ingriiska.
June 25, 2023 - Written by qoriadmin

Hargeysa – (QN24) – Shan Toddobaad Ka Hor Oo Ku Beegnayd 18-Kii May 2023, Waxa Qaranka Somaliland Si Farxad Leh Looga Dabaal-Degey Sannad-Guuradi 32aad Ee Ka Soo Wareegtey Dib Ula Soo Noqoshadii Madax-Bannaanideeda, Taas Oo Ku Suntan Gebogebadii Riyadii Soomaali-Weyn.

Todobaadkan Oo Isna Ku Beegan 26-Ka Juun, Waxa Somaliland Laga Xusayaa Sannad-Guuradii 63aad Ee Ka Soo Wareegtey Markii Ay Xornimada Qaadatay, Taas Oo Ku Astaysan Gebogebadii Maxmiyaddii Ingiriiska Oo Ka Dhigaysa Dalkii 15aad Ee Afrikaan Ah Ee Xornimada Qaata.

Somaliland Laba Maalmood Oo Madaxbanaani Ma Leedahay?

Sababta aan su’aashan marar badan u soo qaaday waxa ay tahay in aan maqlay dad ka doodaya arrintan. Xuska 18-ka May (Maalinta Qaranimada) iyo Dabaal-Dega 26-Ka Juun (Maalinta Xornimada) waa labadaba Maalmo Qaran. Labadaa Maalmoodba waxa ay ahaayeen kuwo shacabka reer Somaliland ay si weyn u xuseen, waana maalmo aynu fursad u haysano in aynu dhammaanteen ka wada tashano tariikhda iyo halgankii aynu u soo marnay Qaran ahaan.

Xuska labadan munaasibadood waxa uu leeyahay xidhiidho taariikhi ah oo ka turjumaya waxa ay Somaliland maanta u taagan tahay ee ah Cadaalad, Nabad, Dimuqraadiyad iyo Xoriyad. In aan la wadaagno oo aan dhallinyaradeenna ku wacyigelinno qiimaha ay leeyihiin maalmaha qaranka sida 26-ka June iyo 18-ka May waxay u tahay fursad ay ku noqdaan muwaadiniin wanaagsan. 26-June waa maalinta qaranimada Somaliland, ee maaha maalinta Soomaaliya sida ay ku andacoonayaan.

Fahamka Muhiimadda Taariikheed ee Maalmahan waa fursad qaali ah oo ay dadkeennu ku wadaagi karaan naf hurnimada ay awoowayaasheen u hureen si aan u gaadhno xorriyadda aynu maanta haysanno. Faahfaahinta La Xidhiidha Sooyaalka Dhacdooyinka Labadan Maalmood Waxa Laga Heli Karaa Maqaalo Iyo Qoraalo Ay Qoreen Taariikhyahanada Somaliland.

Waa Maxay waxyaabaha Taariikhiga Ah Ee Lagu Xasuusto 26-kii Juun 1960-kii?.

Anaga oo U Dabaal Degayna Munaasibada 26-ka June Todobaadkan Waxaan Jeclahay Inaan Idinla Wadaago Waxa Aynu Ku Xasuusan Doono 26-Ka Juun Waxay Leedahay Taariikh Gaara Waana Maalin Qiimo Badan.

Taariikh-Yahannada Somaliland Oo Wax Badan Ka Qoray Xuska Maalintaasi. 26-Ka Juun waa maalin la xasuusan karo Socdaalkii lagu soo afjari lahaa Maxmiyadda Ingiriiska. Sidoo kale waa maalin ina xasuusinaysa raadadkii taariikheed ee Madaxbanaanida Somaliland.

Waa Maalin La Sameeyey Heeso Waddaniya Iyo Gabayo. Inta badan Heesaha Gobonimada, Maansooyinku waxay noqdeen kuwo caan ah oo taabanaya dareenka iyo shucuurta shacbiga Somaliland.

Waa Maalin Taariikhi ah oo lagu Xasuusto Sagootintii Markii ay Sagootiyeen Badhasaabkii ugu dambeeyay ee Ingriiska Sir Douglas Hall iyo Xaaskiisa oo u socdaalay UK. Waa Maalin La Xasuusan Doono Dhambaalka Boqorada Queen Elizabeth Ee Uu Soo Gaadhsiiyay Mr.TE Bromley, Munaasibada Madaxbanaanida Somaliland. Nuxurka Dhambaalkaasi Ayaa Ahaa Sidan “Aniga, Xukuumaddayda Iyo Shacabkayga Ku Nool Boqortooyada Ingiriiska, Waxaan Idin Leenahay Maalintan Xornimada.

Xidhiidhka ka dhexeeya dadkeenu waxa uu soo noqday 130 Sannadood iyo maamulkii Ingiriiska ee Maxmiyadda muddo 60 sano ah. Waxaan rajaynayaa saaxiibtinimo joogto ah oo waara oo dhexmarta labada dal”.

Ma ahayn dhambaalka hambalyada ah ee ay dawladda Somaliland soo gaadhay oo keliya, waxa kale oo jiray dhambaallo salaan iyo hambalyayn ah oo ay Somaliland ka heshay madax kale oo ajaanib ah oo ku saabsanayd maalinta xorriyadda 26 June 1960-kii.

Waa Maalin la Xasuusan Doono in Somaliland yeelato Dawlad u gaar ah (Golaha Wasiirada Somaliland), Dastuurkii la Sameeyey Horraantii 1960-kii iyo Xisbiyo Siyaasadeed sida SNL, NUF iyo USP. Somaliland waxa ay aqoonsi caalami ah ka heshay 35 wadan oo ay ka mid yihiin China, Masar, Ethiopia, France, Ghana, Israel, Libya iyo Soviet Union.

Xaqiiqooyinka aan la ilaawi karin ee ku saabsan Madax-banaanida Somaliland waxa ka mid ah Maqaal lagu daabacay Wargeyska Daily Herald Arbacadii June 1960-kii oo ku beegan Saddex Maalmood kadib markii ay Somaliland Xornimadeeda qaadatay. Nuxurka Qoraalku Waxa Uu U Qornaa Sidan “Saddex Maalmood Ka Hor, Waxa Ay Heshay Madax-bannaanideeda; Maalinta Jimcaha, Marlabaad way dhiibtaa”.

Sidoo kale waxa ay maalintani ina xasuusinaysaa neecawdii xorriyada iyo wixii aan ku raaxaysanayney Shan Cisho ilaa aynu ku wareejiney Xorriyadayadii aynu ka qaadanay Ingiriiska Soomaaliyadii Talyaaniga, Innaga Oo raadinayno riyadii Somaliweyn ee fashilantay. Fikradan Soomaaliweyn waxay ahayd aragti lagu mideynayo dhammaan Qowmiyaddaha Soomaaliyeed ee ku nool Waddamada Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

In kasta oo aan xusayno guulihii wax ku oolka ahaa ee la xidhiidha helitaanka xorriyadda 63 sanno ka hor, waxaan sidoo kale xasuusannahay khasaarihii naga soo gaadhay ka Tanaasulidii Madax-Bannaanideena Iyo raadinta riyadii Soomaali-weyn. Somaliland waxay baratay Casharkeeda, waxayna halkan u joogtaa inay Madax-banaanideeda ilaashato oo aanay marnaba samayn khaladkii ay gashay 1-dii July 1960-kii.

Munaasabaddan oo ah 26 june Dal ahaan waxaynu u baahanahay in aynu xasuusano Halgankii iyo Dhaq-dhaqaaqii aynu u soo marnay Xorriyada aynu maanta haysano. Tusaale ahaan, waxaynu ka xusi karnaa dhaq-dhaqaaqii iyo halgankii sooyaalkeena: Sayid Maxamed C/lla Xasan oo hoggaaminaayey halgamayaashii Daraawiishta, SNS, SNL, USP Iyo NUF. Taariikhdaas aynu wada leenahay waxaynu u baahanahay in wada hadal iyo isfaham lagu dhameeyo colaadda Gobolka Sool. Waxa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo ilaalinta midnimada qaranka Somaliland, nabad iyo xasiloonina lagu wada noolaado.

Ugu dambayntii waxa aanu Xusaynaa Sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay Gooni-isu-taagga Somaliland iyadoo nasiib darro ah; Colaada Gobolka Sool (Laascaanood) Ayaa Wali Ka Taagan. Khilaafkan ayaa Saamayn ku leh Nolosha Dadka, Gaar ahaan Xasiloonida iyo Nolosha Shacabka Reer Sool.

Annaga Oo Tix-gelinayna caqabadaha adag ee horyaala sida colaadda Sool, doorashooyinka, iyo arrimo kale, waxa la rajaynayaa in dhammaan dameeyayaasha Somaliland guud ahaan, ay ka wada shaqeeyaan xoojinta Midnimada Ummadda Somaliland.

Maalin Xornimo Oo Wanaagsan Somaliland.

Kuvassa voi olla tekstiKuvassa voi olla pöytäKuvassa voi olla hattu ja teksti

Abdirahman Abdillahi Jibril (Awliyo)
jabdi35@yahoo.com

COMMENTS
Latest News