qorilugudnews24.com
MAXAAD KA TAQAANAA TAARIIKHDA MUGGA WEYN EE UU LEEYAHAY ABWAAN AADAN TARABI JAAMAC, (TUUG TARABI)?.
August 20, 2023 - Written by qoriadmin

Waa Qaar Ka Mid Ah Heesihii Uu Sameeyey Abwaanku.

Burco-(QorilugudNews24)- Abwaan Aadan Tarabi Jaamac Oo Ay Dadka Qaar U Yaqaaniin (Tuug Tarabi), Ayaa Waxa Uu Ku Dhashay Deegaanka Magaalada Caynaba Ee Gobolka Sool Sannadkii 1948-dii, Wuxuuna Ku Soo Barbaaray Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera Iyo Deegaanada Kale Ee Miyigiga Intaba.

Abaawaan Aadan Tarabi, Waxa Uu Ka Mid Ahaa Raggii Ugu Maasooyinka Cuslaa Ee Ka Qayb-Galay Sil-Siladii La Isku Haleelay Ee La Odhan Jirey ‘‘Deeleey’‘, Aakhirkiina Uu Isagu Gunaanadey Oo Aan Dabadiis La Furin.

Haddaba Halkan Hoose Kaga Bogo Taariikhdiisa Abwaanka Oo Kooban, Heesihii Iyo Riwaayaddihii Uu Sameeyey Abwaanku, Kuwaas Oo Aan Ka Xusi Karno, ”Heestii Liibaan Ma Leh Adduunoo” Oo Ay Qaado, AHUN Saado Cali Warsame, ‘‘Wada Noolaada Oo Nabad Ku Waara” Oo Uu Hadda Qaadi Jirey AHUN Shay Mire Dacar, ”Heestii Goor Iyo Ayaan” Oo Ay Shankaroon Axmed Sagal Qaado, ‘‘Yufloo Dhaxan Qabow’‘ Oo Ay Qaadi Jirtey AHUN Kinsi Xaaji Aadan”Doqoniino Yey Kula Sii Durkine Dabar-Geli Naftoo” Oo Ay Wada Qaadaan AHUN Cabdiraxmaan Xasan Abu-Raas Iyo Amina Cabdillaahi, Markii Horena Ay Wada Qaadi Jireen Sahra Siyaad Iyo Rooraaye.

Riwaayaddaha Uu Abwaanku Sameeyey Waxa Aan Ka Xusi Karnaa, Riwaayaddii Lagu Magacaabi Jirey ‘‘Xaajoba La Yaab Lehe Bal Aan Qodo Xabaalaha” Iyo ”Moogaatey Adiguye Nabsina Maqan’‘ Iyo Qaar Kale Oo Badan Oo Aynaan Halkan Ku Soo Koobi Karin.

COMMENTS
Latest News