Cabdimaalik Muuse Coldoon Oo Ka Mid Ah Shabaabka Niqaaban, Ayaa Waxaa Uu Inoo Jilayaa Riwaayad Uu Isagu Soo Nashqadeeyey, Lacagna Uu Ku Bixiyey.
September 18, 2023 - Written by qoriadmin
Burco-(QorilugudNews24)-Cabdimaalik Muuse Coldoon Waxa Uu Ka Mid Yahay Shabaabka Niqaaban, Waxaanu Inoo Jilayaa Riwaayad Uu Isagu Soo Nashqadeeyey, Isla Markaana Lacag Uu Ku Bixiyey, Arrintaas Oo Lagu Majare- Habaabinaayo Dadka Makasta Iyo Wax Ma Garatada U Badan Ee Maskaxda Laga Xadi Karo, Waxaanay Mashruucan Iska Kaashadeen Kooxaha Huwanta Iyo Argagixisada Ah Ee Bariga Gobolka Sool. Cabdimaalik Muuse Coldoon Waxa Uu Ka Mid Yahay Shabaabka Niqaaban Iyo Wakiilada Qarsoon Ee La Soo Dhexmariyo Lacagaha Lagu Kala Fur-Furayo Ciidanka Qaranka Somaliland, Isla Markaana La Iskaga Horkeenayo Bulshada Reer Somaliland, Arrintaas Oo Nefis U Ah Huwanta Iyo Kooxaha Argagixisada Ah Ee Laascaanood Ku Soo Duuley.
Ugu Dambay Waxa Aanu Shacabka Reer Somaliland Ugu Baaqaynaa In Aanay Ku Kadsoomin Arrimaha Noocaas Ah Ee Uu Cadowgoodu Soo Abaabuley Ee Lagu Kala Qaybinaayo.
Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com