qorilugudnews24.com
Hay’adda Sirdoonka Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ku Qabtay Nin Basaas Ah Oo Sitey Aqoonsiga Shaqaalaha Somaliland.
November 13, 2023 - Written by qoriadmin

Hargeysa-(QorilugudNews24)-Hay’adda Sirdoonka Somaliland (Somaliland National Intelligence Agency) Magaceedana Loo Soo Gaabiyo (NIA) Ayaa Magaalada Hargeysa Ku Qabtay Nin Lagu Magacaabo ”Axmed Yuusuf Mire Nuur’‘, Ninkaas Oo La Sheegay In Uu Yahay Isu-Duwe Caafimaad Oo Ka Tirsan Shaqaalaha Maamul-Goboleedka Puntland Ee Soomaaliya, Kaas Oo La Sheegay In Uu Sitey Kaadhkii Shaqaalah Somaliland Iyo Weliba Baasaboorka Somaliland.
Ninkan Ayaa La Sheegay In Uu Ka Qayb-Galay Dagaalkii Huwanta Ee Magaalada Laascaanood, Waxa Kale Oo La Sheegay In Ay Aqoonsiga Somaliland U Fududeeyeen Dad Ku Sugan Magaalada Hargeysa, Kuwaas Oo U Shaqeeya Dawladda Somaliland, Dadkaas Oo Hadda Gacanta Lagu Dhigay Isla Markaana Lagu Hayo Baadhitaan Xooggan.

Ninkan Ayaa Dhalashadiisa Kaadhka Somaliland Ku Qaatay Da’ Aad Uga Yar Midiisii Saxda Ahayd Ee Kaadhkiisii Hore Ee Uu Soomaaliya Ka Qaatay.

Kuvassa voi olla ‎1 henkilö, raha ja ‎tekstissä sanotaan ‎Passport This البلدان SIGNATURE OF THE BEARER REPUBLIC OF SOMALILAND PASSPORT CODE PR SURNAME PSPOOT PR1033854‎‎‎
Kuvassa voi olla 1 henkilö, raha ja teksti

Isha Ku Hay Warbaahinta Caalamiga Ah Ee www.QorilugudNews24.com

COMMENTS
Latest News